Ciidamada amniga gobolka Karkaar ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ku guuleystay ka dib howlgal qorshaysan in ay soo furtaan gaar xamuul ah oo habeenimadii xalay ay dhac u geysteen kooxo burcad ah oo wadada u galay.
Ciidamada amniga ayaa intii howlgalka uu socday waxaa sidoo kale soo qabteen sedex ruux kuwaas oo ahaa kooxdii dhaca u geystay gaari xamuulka ah oo ahaa nuuca Candho Meedka loo yaqaano iyo rakaabkii saarnaa.
Sidoo kale Taliyaha ciidamada Madaxtooyada magaalada Qardho Cabdi fitaax Warsame Hiirad oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay kooxda burcada ah ayaa faahfaahiyey ragga burcadka ah ee la soo qabtay isaga oo sheegay in gaariga xalay lagu dhacay inta u dhaxeyso magaalada Qardho iyo Tuulada Yakka ee gobolka Karkaar.




From the comments