Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku sugan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Ahlusunna Waljamaca kuwaas ku sugnaa magaalada mudooyinkii dambe , waxaana ka mid ah madaxii hore xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, waxaana uu faahfaahin uu ka bixiyey u jeedkooda magaalada Nairobi ay ugu sugan yihiin.
Sheekha oo wareysi siinayey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyey sababta ay u joogaan magaalada Nairobi, waxaana uu intaas ku daray in u jeedkii ay u yimaadeen dalka Kenya uu u suurto galay ayna la kulmeen bulshada Soomaalida ah, beesha caalamka iyo saaxiibada daneeyo arriaha Soomaaliya sida uu yiri sheekh Shaakir.
” Waxaan u nimid inaan la kulanno bulshada qeybaheeda kala duwan maadaama Jaaliyad aad u balaaran ay degan tahay oo Soomaali ah iyo inaan la kulanno beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaliya intaba waa inoo qabsoomeen ”




From the comments