Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Senoter Abshir Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaah u naxariistee fanaankii caanka ahaa ee Cumar Shooli oo habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo muddooyikii dambe ku xanuunsanaa.
Guddoomiyaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facbooka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeey geerida ku timid fanaanka isaga oo Allah uga baryey inuu naxariistiisa siiyo guddoomiyaha ayaa yiri.
“Waxaan #TACSI tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo eheladii hoobalkii weynaa #CumarCabdulleShooli oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Waxaan Eebe uga barayayaa marxuum Cumar Shooli in uu dembi dhaaf ballaaran siiyo, jannadiina ka waraabiyo. Aamiin.




From the comments