Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya dhibaato ka geysata degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil.
Guddoomiye Shuute oo saraakiisha ciidanka DANAB siiyay amar maxkamadeed ayaa faray in ay nolol iyo geeri ku keenaan cidkasta oo wixii haatan ka dambeeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaato u geysata isaga oo intaas ku daray in dadkaasina uu dhiigoodu noqonayo mid bannaan sida uu hadalka u dhigay.
“Saraakiisha ciidamada DANAB waxa ay amar maxkamadeed u haystaan qofkii muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo hantidiisa dhibaateeya wixii maanta ka dambeeya inay isaga iyo cidda difaacaysa nolol iyo geeri toona ku keenaan, waxaan balanqaadaynaa xitaa hadaad geeri ku keentaan in aan ku dul aqrino in dhiigiisu hadur ahaa oo isagu dhibaatada waday” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.




From the comments