Howlgal ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen inta u dhaxaysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda.
Taliyaha Ururka 41-aad, Guutada 5-aad , qaybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed , dhamme, Cabduqaadir Cali Nuur ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay in howl-galkooda oo Lug ahaa ay kasoo billaabeen Buulo-burte.
Wuxuuna intaa ku daray in xilligii ay howl-galka ku jireen ay Al-Shabaab kasoo badbaadiyeen Saddex Gaari oo xamuul ahaa, iyagoo doonayay in ay dhac iyo dil u geystaan Shacabka rakaabka ah, sida uu hadalka u dhigay taliyaha ururka 41-aad ee guutada 5-aad qeybta 27-aad.




From the comments