War ka soo baxay dowladda federaalaka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay ciidanka xoogga dalka ku dileen nawaaxiga magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose, sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Sareeyo guuto; Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle iyo Laba kale oo uu sheegay in ay dib ka baahin doonaan Magacyadooda.
Taliyaha oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howl-galka uu ka dhacay degaanno ku dhow-dhow Jannaale, islamarkaana ay sii wadi doonaan si buu yiri aan Al shabaab uga saarno deegaanada kale ee gacantooda ku jira.




From the comments