Guddoomiyaha gobalka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka hadlay dilkii xalay magaalada Laascaanood loogu geystay taliyihii sirdoonka gobalkaasi Cabdiqani Guhaad Xasan ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, maamulkii iyo ehelkii uu ka baxay taliyaha waxa uuna yiri.
“Alle ha u naxariisto Cabdiqani Guhaad Xasan oo ahaa taliyaha nabad sugidda gobolka Sool oo caawa lagu dilay magaalada Laascaanood, Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynnayaa maamulka, Taliska sirdonka, qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bulshada gobolka Sool iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland waxaana leeyahay dhammaanteen samir iyo iimaan Allaah inaga siiyo”
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay dilka taliya isaga oo shacabka Laascaanoodna ku booriyay in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee magaaladaasi.




From the comments