Waxaa faahfaahino kala duwan ay ka soo baxayaan wade mooto Bajaaj oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Seybiyaano, waxaana dilka gesytay nin ku hubeysnaa bistoolad oo watay gaari nuuca raaxada ah, dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka geeriyooday iyo ninka hubeysnaa ay ku murmeen seedka wadada, xilli wadada mashquul badan uu waqtigaasi ka jiray.
Dilka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada, waxaana ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan shaqsigii dilka geystay oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.




From the comments