Wararka aan ka helayno magaalada Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta guud ahaan magaaladaaasi ay hawada ka maqantahay isgaarsiinta waxaana hakad ku jira dhaqdhaqaaqa guud.
Shirkada ugu weyn ee dhinaca isgaarsiinta ee Safaricom ayaa saqdii dhexe ee xalay hawada ka baxaday, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in shirkadaasi ay hawada ka maqnaato sacaado badan.
Sidoo kale isku socodka dadka iyo midka gaadiid ee magaaladaasi ay hakad ku jira waxaana la soo sheegayaa in caruurta ku dhaqan magaaladaasi aysan saakay u dareerin goobaha waxbarashada.




From the comments