Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay eedeynta dowladda federaalka ah ee ku aadan faragelinta ay ku heyso arrimaha Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo looga jawaabayo qoraallo ay horay u soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeymaha Soomaaliya yihiin qaar aan waxba ka jirin isla markaana lagu qarinayo ballamo ay uga baxeen shacabka Soomaaliyeed.
“Kenya waxaa lagu yaqaan arrimaha nabad ilaalinta gobolka iyo ka fogba, wasaaradda arrimaha dibadda waxay ku faaneysaa iney Kenya qeyb weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee Soomaaliya oo weliba Kenya dhib badan uu ka soo gaaray, welina waan sii wadeynaa dadaalka nabadda iyo amniga gobolka iyo meel ka fog”.





From the comments