Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed,ayaa dikareeto ka soo baxday waxaa xilal cusub loogu magacaabay Taliyayaasha Booliska ee degmooyinka Guriceel, Matabaan iyo K/Gaalkacyo.
Taliyaha booliska degmada Guriceel ayaa loo magacaabay Daahir Faarax Axmed halka taliyaha saldhiga booliska Matabaan ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdifataax Maxamed Jaamac, K/Gaalkacyo ayaana taliyaha cusub ee booliska looga dhigay Maxamed Axmed Shire.
Taliiyaha Ciidanka Booliska ayaa dhamaan faray Taliyayaashaan cusub in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilkooda kula wareegeen islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda ku aadan shaqada ciidanka booliska.





From the comments