Goobjoog

Sawirro: Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Jubbaland

Taliska hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen Labo nin oo ay sheegeen iney ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo isku dhiibay maamulkan. Raggan ayaa lagu soo bandhigay…

Sawirro: Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Jubbaland

Taliska hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen Labo nin oo ay sheegeen iney ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo isku dhiibay maamulkan.

Raggan ayaa lagu soo bandhigay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha Nabadsugidda Jubbaland ay sheegeen in raggan ay muddo sanado ah la shaqeynayeen ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, raggan ayeey sheegeen in ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiil Jubbaland ah, laguna soo wareejin doono DFS.

Marar badan sidan oo kale, xubno Al-shabaab ah ayaa isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments