Kulan ay isniintii isugu yimaadeen guddiga fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xubinimadii iyo jagadii laga qaaday Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga Himilo Qaran.
Xildhibaanka ayaa horay u sheegay in Dhuusamareeb aaney joogin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxsan AMISOM arrintaas oo ka hor imaaneysa qoraal isla xisbiga ah oo dhaleeceeyey joogitaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Dhankiisa, Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed oo ka hadlay waxaa uu yiri “Waxaan soo dhaweynayaa aqblaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay. Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.




From the comments