Wararka naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in saaka guddiga joogtada ee golaha ay la kulmeen hey’adaha amniga oo uu horkacayo wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay mooshin laga keenay hey’adaha amniga iyaga oo lagu ballamiyey in arrinta lagu dhameeyo si hoose oo guddiga joogtada ah ku ekaato.
Warar ay Goobjoog News ka heshay kulanka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiir Islow iyo raggii la socday lagu diiday in la dhageysto, loona ballamiyey in hor yimaadaan golaha weyn ee shacabka oo halkaas lagula xisaabtamo.




From the comments