Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaaleynta ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Galmudug ayaa sheegay in maamulka Ahlusunna ay doonayaan in ay fashiliyaan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loona baahan yahay in shacabka Galmudug ay u tashtaan deegaanka.
Wasiirka oo bulshada ku nool magaalada Guriceel la hadlaayey ayaa xusay in dhaqanka madaxda iyo ciidanka Ahlusunna ay tahay mid dib u noqoshaa oo dhaawaceysa hadakii iyo hanaankii la rabey in lagu dhiso Galmudug waxaana uu yiri” Dhaqanka markan Ahlusunna Waljamaaca ka muuqdaa waa dib u noqosho, waxaan leenahay walaalayaaloow ha bariiqanina jidfiican ayaan ku taagneen ha sababinina adinkoo waxyar laba farood ku raadinaaya inaad Galmudug fashilisaan fariinta aan idiin waday intaas ayuu nuxurkeedu ahaa”.
Sidoo kale wasiir Sabriye oo hadalkiisa sii wato ayaa xuusay in dowladda federaalka ay wado diyaarna u tahay in lagu noqdo wadadadii lagu wada shaqeynayey, wasiirka ayaana ka digay in wax aan macno laheyn lagu dumiyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudud waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waxaan ka shaqeyneynaa in Ahlusunna wanaaggii aan wax kuwada bilownay lagu wada noqdo ayaan ka shaqeyneynaa la fariisano tabashooyinkooda guddi iyo xildhibaanno dowlad gobaleed waxaa ay noqdaanba, madhama guddi hala igu daro iyo xoogaa xildhibaannaa hala isiiyo qiima astaahila maahan Galmudug ha lagu kala tago”.




From the comments