Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey oo ciidamada ammaanka ay ka ay ka sameeyeen gelinkii hore ee maanta xaafadda Hanti-wadaad ee magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ciidanku waxaa ay ku soo qabteen ku dhiwaad 100 ruux kuaas oo xabsiga loo taxaabay.
Howlgalka ciidanka ayaa yimid ka dib markii xalay qarax Bam gacmeed lagu weeraray hoyga xaafada Hant Wadaag uu ka daganaa guddoomiye ku-xigeenkii amniga gobalaka Shabeellaha dhaxe Maxamed Sugaal, taas oo keentay inuu geeriyoodo isaga iyo wiilkiisa. Ciidamada oo ka duulaya falkaas ayaa saakay howlgal balaaran ku qaaday xaafadda Hanti Wadaag waxaana ay xabsiga u taxaabeen ku dhawaad 100 qof.
Sidoo kale Shacabka ku nool xaafadda ayaa galinkii danbe bilaabay dibadbax xooggan oo ay ku danbanayeen sii deeynta dadkii ciidamada Booliska ay soo xireen dibad baxayaasha ayaa xiray wadadooyinka xaafada ayagoo gubayay taayaro.




From the comments