Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa inuu wax ka qabto amniga, nadaafadda, canshuuraha iyo dib u dhiska.
Wuxuu sheegay Filish in maamulkiisa rabo in la helo waddooyin dhisan, qurux badan, iyo dhismayaal qurux baqdan si Muqdisho usoo ceshato quruxdii waa lagu yaqaanay.
Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in sidoo kale ay la dagaallami doonaan dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments