Sida goor dhow lagu baahiyey warbaahinta ku hadasha afka dowlad goboleedka Jubbaland, ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi ayaa howlgallo waxay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Caballa Biroole oo qiyaastii 55-km dhanka bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan ayaa la sheegay in ciidanka Jubbaland ku dileen 20 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kuwo kalena lagu dhaawacay.
Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab laga dilay uu ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deegannada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen.





From the comments