Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Aafrica (AFRICOM) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weerarkii shalay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Maraykanka iyo kuwa xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle ee Shabellaha Hoose iyo sidoo kale duqeyn ay fulliyeen diyaaradahooda.
Waxaa lagu sheegay qoraalkan in ciidanka Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkaasi, islamarkaana Laba duqeyn oo ay fuliyeen ku burburiyeenn Labo gaari oo ay la socdeen xubno Al-shabaab ah.
AFRICOM ayaa sheegtay in ay dileen 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, balse ma aanay sii faah faahin.




From the comments