Sharciyaqaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxda dalka aanu sharciga u ogoleyn in gorgortan laga galo muranka badda ee dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeyo waxaana uu sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in madaxda talada haya ay badda ka gali karaan gorgortan.
Abuukaate Cali Xalane oo wareysi gaar ah siiyay Gooobjoog News ayaa xusay Madaxweyne ama shaqsi kale oo dalka xil ka haya in uusan jirin sharci u ogolaanaya arrintaanna ay taallo Maxkamad isaga oo arrintaasi ka hadlaayana waxaa uu yiri” laba Madaxweyne waa is arki karaan arrimaha labada wadan waa ay kawada hadi karaan, lakiin mas’aladdan ayada ah lagama wada hadli karo hadalna lama galin karo, madaxda ka sokow sharciga ayaaba diidan mas’alada uu ku diidaayo marka horana waxaa waaye wada hadalka in labada wadan ay sheegtaan waaye cidda dhexdhexaadinayso ama dhinac ka mid ah uu sheegto in arrintaan ay wada hadal kawada gali karaan, haddii aysan jirin muddo lagama dhigi karo kulanka ugu horeeyo ay is arkaayaan in looga hadlo”
Sidoo kale Abuukaate Cali Xalane oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Maxkamddu aydu tahay cidda ogolaan karto in wada hadal lagaliyo maadaama kiiskii uu tagay Maxkamdda ama dhinacyada dacwadda isku haayo isaga dantiisa, waxaana uu yiri” Wax macquul ah ma aha arrintaan waxaa ay taallaa Maxkamaddaa soo jeedin karto in wada hadal la galiyo ama dhinacyada dacwadda is ku hayo oo dhinac kamid ah uu daneynaayo isaga dantiisa ayuu wada haal ku galin karaa, marka haddii ay tahay mid ku aadan wax Maxkamaddu ka war qabto ama dhinacyadii is haayay ayadoo Maxkaddu socoto inay wada hadal galin karaan waa suuragal”




From the comments