Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in saakay waabarigii la weeraray saldhig ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini oo dhaca duleedka degmada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo weerar xooganka ku qaaday saldhigga deegaanka Ceel-saliini ayaa waxaa ay iska caabin kala kulmeen ciidamada xoogga dalka , waxaana goobta ka dhacay dagaal culus oo dhex maray ciidmada xoogga iyo Al-Shabaab, waxaana u suura gashay in ay qolyihihii weerarka soo qaaday ay gudaha u galaan saldhigga Ceel-Saliini.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inuu jiro khasaare, inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidamada xoogga ayaa ku geeriyootay qaar kalane waxaa soo gaaray dhaawacyo.



From the comments