Goobjoog

Cumar Filish oo Magacaabay Guddi Dib u Fura Jidadka Xiran ee Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa uu magacaabay guddi ka kooban 7 xubin, oo ka shaqeyn doono dib-u-furista waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho. Guddigaan waxaa guddoomiye…

Cumar Filish oo Magacaabay Guddi Dib u Fura Jidadka Xiran ee Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa uu magacaabay guddi ka kooban 7 xubin, oo ka shaqeyn doono dib-u-furista waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho.

Guddigaan waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Tulux.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa munaasabadii uu xilkiisa kula wareegayay waxaa uu ku balanqaaday inuu furayo waddooyinka Xamar

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments