Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee Ucid Faysala Cali Waraabe ayaa sheegay in wadahadalka ay Soomaaliya la galayaan loo baahan yahay inuu ka dhaco meel beesha caalamka ay kor joogto ka tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay inaan loo baahneyn waddama deriska ah ay shirka soo xaadiraan.
Injneer Faysal ayaa xusay in dhankooda ay ogolyihiin wadahadallada, laakiin waxaa uu hoosta ka xariiqay in madasha wadahadallada ay ahaato madal caalami ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; ” Wadahadalka ogolnahay, balse waxaan dooneynaa madal caalami ah oo dad ina kala qabta oo hadhow wixii aan ku heshiinno grantee waa inuu noqdo”
Sidoo kale Faysal oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in madasha hadalka aan loo baahneyn in ay soo xaadiraan dowladaha deriska sida Eratiya, Itoobiya iyo Jabuutti, asaga oo sabab ugu dhigay in dowladda Soomaaliya ay u dhaw yihiin oo ay dhankeeda xigsanayaan, waxaana uu yiri ”Waxaa wadahadalladaa aan soo galeynin waddamada loo yaqaano front countries, Jabuutti waxaan niri ku marti galinmeyno, Itoobiya waxaan niri kama soo qeybgaleysid, Eratariya kama Soo qeyb galeysid, maxaa yeelay; dano gaar ah ayey leeyihiin Xamar ayey ku milmeen.”




From the comments