Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaaleynta iyo dimoqoraadiyadda dowlad gobaleedka Puntland Maxmed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baasaboorka Soomaaliya lagu muujiyo in dalka uu qaatay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo inuu hirgalay.
Wasiirka oo la hadlay Goobooog News ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Baasaboorka Soomaaliga ah inuu ka dhex muuqdo nidaamka federaalka ee dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen burburkii ka dib, asaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri” Maadaama dalka uu ku heshiiyay nidaamka federaalka ah, xukunkiisana lagu dhisay, laakiin arrintu waxaa waaye Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa wali ku yaala Baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya, lakiin kuma taallo Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, waxaa ayna tahay maadaama dalku uu halkaas uu u guuray oo nidaamkaas qaatay oo lagu heshiiyay oo dhameystirkiisii lagu jiro in laga run sheego oo dhinac waliba dadkii loo carbiyo, Baasaboorku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha astaanta dalka ah marka waxaa la rabaa in lagu qoro Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya”.
Sidoo kale wasiir Dhabancad oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in Baasaboorka lagu caddeeyo inuu dalku federaal uu yahay ay tahay muhiimad weyn iyo in bulshada caalamka ay ogaato nidaamka dalku ka jira inuu federaal yahay waxaana uu yiri” Arrintu ma ahan arrin looga hadlaayo dowlad ama dowladaha xubnaha ka ah Baasaboorku waa Baasaboorkii qaranka, qarankii Soomaaliya waxaa uu ku heshiiyay oo lagu dhisay dowladnimadiisii inuu noqdo dal federaal ah, marka si taas loo gaaro waxaa Baasaboorkuna xusayaa Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya uu Baasaboorkeedii uu yahay, marka haddii la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliya Baasaboorkeedii, taas macnaheedu waxaa waaye in meel arrinu ka qaldan tahay oo meeshii la rabay in dalka loo diyaariyo dhan waliba uu wali wax ka dhiman yihiin”.




From the comments