Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka ee Puntland Faarax Maxamuud Cawasah ayaa sheegay in ay qabteen Doomo kaluumeysi sharci darro ahi ka waday Badda, waxaa uuna tilmaamay wasiirku in ay dhisi doonaan iskaashi kaluumeysi si wax looga qabto dadka sida aan sharciga aheyn uga faa’ideysta kheyraadka badda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay ilaa iyo hadda in Puntland ay gacanta ku soo dhigtay dhowr Doonyood oo ku eedeysan kaluumeysi shaci darro ah, waxaana uu yir” Muddadii hadda aan joognay waxaan soo qabanay oo aan ganaaxnay ilaa 7 doon oo aan goobo kala duwan aan ku soo qabanay, qaarkood xeebta ayey aad ugu soo dhawaadeen, taas sharciga ma ogol yahay in xeebaha ay ka kaluumeysaan dadka deegaanka oo doomaha yar yar ay kaga kaluumeysan karaan mar haddii shabaak yahooda ay ka jiiraan oo ay aad ugu soo dhawaadan, kuwana shatti la’aan ayeey ku kaluumeysanaayeen”
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay dhisaan iskaashatada kaluumeysiga ee deegaanada ku xeeran badda ee Puntland, asaga oo ku macneeyay u jeedku inuu yahay in is kaashatadu ilaaliyaan kheyraadka deegaanka, waxaana uu yiri “ wasaaraddu waxaa horay ay u soo dhistay afar iskaashato oo kala ah Boosaso, Eyl, Beyla, iyo Garacad, tii shanaad waxaa noqoneysa Baargaal oo hadda doorashadeeda ay dhaceyso, ujeedkuna waxaa waaye in dadkii dan yarta ahaa doomaha iska lahaa guddi u sii shaqeeyo kaluunkii soo qabta ammaankana wax ka ilaaliya”




From the comments