Goobjoog

Xubno Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Sh/hoose

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda sida gaarka ah u tababaran oo ay wehliyaan ciidamo Maraykan ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose.…

Xubno Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Sh/hoose

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda sida gaarka ah u tababaran oo ay wehliyaan ciidamo Maraykan ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa ay ciidankan gudaha u galeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay, sida ay saraakiil ka tirsan Kumaandoosta Soomaaliya u sheegeen raadiyaha ciidamada qalabka sida.

Saraakiishan ayaa sheegay in weerarkaasi ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana weerarkoodaas uu ahaa mid qorsheysan.

Howlgalkan ayeey sheegeen sidoo kale in lagu diley Maxamed Dhuubow oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab, waliba dhowaan ay lacag badan madaxiisa dul dhigtay dowladda Kenya.

Ururka Al-shabaab ayaa weli dhankooda wax hadal ah kasoo saarin weerarkan ka dhacay Sablaale iyo waxa ka jira in laga diley sarkaal sare iyo ciidan badan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments