Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose waxa ay kula wareegeen deegaanno ay maamuli jireen Al-shabaab.
Korneyl Maxamed Cabdullaahi Caraalle, Taliyaha ururka 35-aad Guutada 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanku la wareegeen deegaannada kala ah Leego, Yaaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhow.
Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab halkaasi dagaal uu ku dhexmaray, ayna dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments