Gen. Thomas D. Waldhauser oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa la sheegayaa in talaadadii ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyaga oo kala hadlay sida Mareykanka diyaar ugu yahay iney Soomaaliya ka taageeraan soo-celinta amniga iyo xasiloonida.
Wadahadalka labad dhinac oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen madax badan oo ciidamada xoogga ka tirsan waxaa la sheegayaa in lagu soo qaaday la-dagaalanka Al-shabaab.
“Caawinta Mareykanka waxaa qeyb muhiim ah ka ah in aanu la shaqeyneyno dadka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo xasilooni”.




From the comments