Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dilkii Maxamed Cabdi Khayre oo ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Gobolka Mudug.
Siihayaha ahna ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa Maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilkaas geystay.
Waxaa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Maxamed Cabdi Kheyre oo xalay lagu dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay Masaajid.




From the comments