Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag waxaa ay Maanta kusoo dhaweeyeen taliyeyaal iyo Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,balse kusoo biiray dhinaca Puntland.
Taliyeyaasha oo Soomaaliland ugu Mgacaawnaa Gobolka Sanaag ayaa Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland Janaraal Nuux Ismaciil Taani oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag,waxaana saraakiishaan ay hoggaaminayaan Ciidamo ku dhow 100 Askari
Xildhibaano ka tirsan Puntland iyo waxgarad ayaa kulan soo dhaweyn ah waxaa ay kulan deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag kula qaateen saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa.




From the comments