Waxaa xalay si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow, arrintaas oo fajac gelisay magaalada Muqdisho, 5 ayaa goobta lagu dilay halka 4 kale la dhaawacay.
5-ta dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar.
Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho.




From the comments