Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ayaa xalay waxa uu dhiggiisa dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo ay ku kulmeen caasimadda dalkaasi waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.
Waxay madaxdan kulankooda isku soo qaadeen arrimo ay ka mid tahay ammaanka iyo sidoo kale sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Labada wadan.
Iyadoo weli kulamo kale ay dhiman yihiin ayaa kulankii xalay oo hordhac ahaa waxaa sidoo kale la isku soo qaaday arrimaha ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo la qorsheynayo in sanadkan gudahiisa ay qaar ka mid ah ciidankaasi dalka isaga baxaan.




From the comments