Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ciidamada DFS Soomaaliya maalmahan dambe ka wadeen degmada Afgooye iyo deegaano ka mid ah gobolkaasi.
Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmadaasi kusoo qabteen dad lala xiriirnayo Al-shabaab.
Dadka la qabtay ayuu sheegay in lagu hayo baaritaan, islamarkaana wixii dambi ku cadaada maxkamad ay horgeyn doonaan.




From the comments