Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar.
General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman.





From the comments