Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in weli maamulka Galmudug aysan ka wada fariisan sidii loo dhammeyn lahaa dagaallada ka socda xadka goballada Hiiraan iyo Galgaduud
Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudomiyaha guddigan ayaa sheegay in muddo Shan maalin ah ay ku sugnaayeen degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan si dhiggooda Galmudug ay kala hadlaan joojinta colaadahaas balse uma aysan suuragalin.
Waxa uu sheegay in mas’uuliyiin Galmudug ah oo ay qadka taleefanka kula xiriireen ay ugu dambeyn Taleefannada ka dansadeen.




From the comments