Goobjoog

Waxgaradka K/galbeed Oo Dhaliilsan Ciidanka DFS Ay Geysay Baydhabo

Waxgaradka K/galbeed ayaa kasoo horjeeda ciidanka Booliiska ah ee ay dhowaan dowladda federaalka geysay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxa ay waxgaradkan u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay…

Waxgaradka K/galbeed Oo Dhaliilsan Ciidanka DFS Ay Geysay Baydhabo

Waxgaradka K/galbeed ayaa kasoo horjeeda ciidanka Booliiska ah ee ay dhowaan dowladda federaalka geysay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxa ay waxgaradkan u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay oo dowladda ay dooneyso iney musharrax gaar ah ku naas nuujiso.

Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in wasaaradda amniga iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo kala hadli doonaan arrimahan.

Waxa u tilmaamay in ay weydiin doonaan wasaaradda amniga K/galbeed sababta ay ciidamadan u yimaadeen magaalada Baydhabo.

“Sababta loo keenay maba ogin, laakiinse wasaaradda amniga K/galbeed ayaan la ballansannahay oo aan weydiin doonnaa sababta taasi keentay, waxaan sidoo kale rabnaa in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee jooga Baydhabo sidaas oo kale u weydiinno” ayuu yiri Malaaqa.

Ciidamada dowladda federaalka ay geysay magaalada Baydhabo ayaa noqday kuwa kaliya ee sida aadka ah looga hadal hayo magaaladaasi.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments