Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin C/casiis.
Sida laga soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf dowladda Sacuudiga ayaa u kala dab qaadaysa dowladaha Jabuuti iyo Eratariya oo muddo xiriirkooda uu go’naa islamarkaana ku muransanaa dhul ku yaalla xuduudka labada dal.
Kulanka ay wada yeesheen Maaadaxweyne Geelle iyo Boqor Salmaan oo ka dhacay magaalada ganacsiga Sacuudiga ee Jeddah, ayaa waxay labada hoggaamiye diiradda ku saareen arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, isbedelka ka socda gobolka Geesk Africa iyo colaadda u dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea.




From the comments