Dooddani oo ay idiin soo baahineyso Goobjoog News waxaa lagu lafa-gurayaa go’aankii maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah Jubbaland ay ku gaareen gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee shanta ah.
Shirka madaxweynayaasha dowladaha shanta ah ee dalka ee qeybta ka ah dowladda dhexe Madaxweyneyaasha kala ah Axmed Islaam Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan , Axmed Ducaalle Xaaf, Cabdiwali Cali Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa talaadadii la soo dhaafay illaa maanta shir uga socday magaalada Kismaayo.
Gollaha iskaashiga ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta oo ay lahaayeen madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo eedo culus u dhiteeyay xukuumadda uu hoggaamiyo maadxweyne Maxamed Farmaajo.




From the comments