Ra’isul-wasaaraha Ingiriiska “Thersesa May” ayaa mowjado jeesjees ah kala kulantay Barta Twitter-ka kadib markii laga falceliyay sida ay u salaantay Prince William oo ay u jilba jabsatay, munaasabadda dabaaldagga 100 sano guuradii Amiens ee intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee Adduunka.
Amiir William iyo Ra’isul-Wasaaraha ayaa waxey ka mid ahaayeen 300 qof oo booqanayay xarunta dib u habeynteeda ay ku baxday 300-milayn oo gini, taas oo laga sameeyay Stanford Hall Estate oo ku yaalla Nottinghamshire, oo loogu talagay in adeegyo ay u fidiso dhaawacyada.
Qof Twitter-ka ku soo gala magaca “Mutaz Elinour’ ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay awoodaha sports ee Ra’isul-wasaaraha, waxa uu tilmaamay inuu 40-jir yahay waxa ay sameysayna aanuu sameyn karin.




From the comments