Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuubakar Cabdi Geele ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay xalay weerar ku qaaadeen labo Saldhig oo ku yaalla Magaalada laascaanood.
Waxaa uu Guddoomiye Geelle hoosta ka xariiqay in labada Saldhig ka siidaayeen maxaabiis u xirneyd Somaliland kuwaasi oo ay saldhigga kala wareegeen.
Mar uu arrintaasi ka hadlayay guddoomiyaha waxaa uu yiri “ Qaar ka mid ah ciidamada Puntland ayaa xalay waxay howlgallo ka fuliyeen magaalada Laas caanood, ciidamada Puntland waxay weerareen oo ay qabteen labo saldhig oo ku yaalla magaalada Laas-caanood, iyaga oo ka sii daayey maxaabiistii oo dhan waxayna ahaayeen dad xaq darre ku xirnaa”.




From the comments