Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmaya hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi , kuwaasi oo isku arkaya shir-madaxeed Taariikhi ah oo aan horay u dhicin ayna Martigalineyso Singapore.
Kulankan ayaa waxaa la rajeynaa inuu is bedel weyn ku sameeyo xiriirka labada dal, kuwaasi oo horay isku weydaarsaday dagaal dhanka afka ah intii lagu guda jiray sanadkii la soo dhaafay.
Waa markii ugu horreysay oo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka oo weli xukunka haya.




From the comments