Dhageyso: Shacabka Gedo Oo Loogu Baaqay Iney Ka Qeybqaataan Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo in kaalin ka qaataan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab. Kaliil ayaa sheegay…
Published June 2, 2018
Akhris 2 daqiiqo ah
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo in kaalin ka qaataan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Kaliil ayaa sheegay in loo baahan yahay in reer Gedo u midoobaan dagaal lala galo Al-shabaab, si gacanta maamulkaasi loogu soo celiyo deegaannada ay dagaalyahannada ka maamulaan gobolkaasi.
Kaliil oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baardheere ee Gedo ayaa tilmaamay in Al-shabaab yihiin kuwo shacabka Jubbaland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed u diiddan nabad iyo horumar.
“Al-shabaab gobolka Gedo kuma joogaan awood dheeraad ah, gobolkan waxa uu noqday meel ay isku uruursadaan oo ay uga duulaan tagaan Soomaaliya inteeda kale, sababaha ay u doorteen ayaa ah inuu yahay mid ballaaran, buuraley ah, xadna la leh dowladaha deriska ah” ayuu yiri Kaliil.
From the comments