Xoghaya arrimiha dibadda mareykanka Rex W. Tillerson ayaa la filayaa in maanta uu booqasho rasmi ah uu ku yimaado qaaradda Africa.
Wadamada uu tagayo xoghayuhu waxaa ka mid ah Chad, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Nigeria, si uu wada-xaajood ula sameeyo hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta dalalkan.
Tillerson ayaa sidoo kale Adidis Ababa kula kulmi doona hoggaamiyeyaasha ururka Midowga Africa, waxayna ka wada hadli doonaan waddooyinkii lagu horumarin lahaa dowladaha iyo shucuubta Africa.




From the comments