Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu booqdo bartamaha bishan waddanka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda Carabta iyo hogaamiyaasha dalalka Islaamka ah.
Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa waxa uu kulamo labo geesood ah la yeelan doonaa madaxda waddanka Sacuudiga iyo kuwa wadamada Carabta , isagoo ka dib kulamo kale la yeelan doono madaxda hogaamiyaasha wadamada Islaamka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Sacuudi Carabiya Caadil Al-jabiir ayaa sheegay in booqashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku imaanayo waddanka boqortooyada Sacuudi Carabiya ay kordhinayso sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Mareykanka iyo dowladaha Islaamka ka hortagga xagjirnimada.




From the comments