Agaasimaha FBI James Comey ayaa ku dhawaaqay inaaney jirin wax dambi ah oo ay ku heleen Hillary Clinton oo ku saabsan dhanka farrimaha E-mail-da ah ee horey loogu soo eedeeyay iney si khaldan u adeegsatay.
Guddoomiyaha guddiga kormeerka iyo dowlad wanaagga Congresska ee jamhuuriga ah Jason Chaffetz ayaa war uu ku faafiyay bartiisa Twitter-ka Axaddii shalay, isagoo soo xiganaya agaasimaha FBI James Comey inuu yiri: ” Waxba iskama bedelin natiijadii aan ka gaarney farriimaha wasiir Clinton bishii July, marka la eego baaritaanadii dheeraadka ahaa ee aan sameynnay”.
Dhanka kale, wakaaladda wararka “Reuters” ayaa sheegtay in Comey agaasimaha FBI uu yiri: ” In Xafiiskoodu uu baaray dhammaan farrimihii ay dirtay Clinton ama amarkeeda lagu diray intii ay haysay xilka wasiirka arrimaha dibadda”.




From the comments