Senator-ada kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa sheegay iney wadaan dedaal badan oo wax looga qabanayo dagaallada Gaalkacyo kusoo noq noqday.
Senator Samsam Daahir Maxamuud oo kamid ah Senator-adaasi ayaa wareysi ay siisey Goobjoog News ku sheegtay in ay isku afgarteen iyaga iyo xubnaha aqalka sare ee Puntland in la tago magaalada Gaalkacyo si dagaalka loo damiyo.
“Annaga oo Cadaado joogna baan ka hadalnay arrintaan, waxaan ku heshiiney inaan tagno Gaalkacyo, colaaddaasi la damiyo, waxaan ku heshiinney in Senator-adii Puntland aan xiriir la yeelanno oo annaga oo dhan is raacno, goobta tagno colaadihii la damiyo, xiriiro ayaan wadnaa oo ay is raadiyaan Senator-adii “ ayeey tiri Samsam.




From the comments