Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxay isku raaceen in qodobo laga bedalo Dastuurka maamulkaasi.
Kulanka baarlamaanka oo shalay dhacay ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cismaan Barre Maxamed, waxaana soo xaadirtay 98 xildhibaan.
Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah waxay u qaadeen wax ka beddelka qodobka 31-aad cutubkiisa 3-aad ee Dastuurka Hirshabelle, kaasi oo dhigayey in xildhibaannada Hirshabelle aaney xil wasiir qaban karin, waxaana in wax laga bedelo u codeysay 94 mudane, 3 ayaa diidey halka 1 xildhibaan uu ka aamusey, sidaasi darteed xildhibaannada Hirshabelle waa ay qaban karaan xilal wasiir.




From the comments