Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa weerar ku qaaday tuulo ku taalla waqooyi bari dalkaas, waxayna u geysteen boob iyagoo ugu dambeyn gubay guriyihii oo dadkii iska lahaa ay ka carareen.
Tuulada Goptari oo ah tuulada dhibaatadu ka dhacday ayaa waxay 10 Km u jirtaa magaalada Chibok ee gobolka Borno, halkaas oo kooxda Boko Haram ay horey uga afduubteen 200 oo arday bishii April 2014.
Samson Paulus oo dagan goobo daris la ah tuuladan dhibaatada loo geystay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay ; ” Kooxdu waxay soo weerareen tuulada iyagoo wata hub culus, taas oo ku kalliftay dadkii tuulada iney u cararaan deegaannada kale ee dariska la ah, waxay boobeen guryihii iyo goobihii ganacsiga, waxay dheceen waxii raashin iyo xoolo ahaa, kadibna waxay dab qabadsiiyeen tuuladii oo ay gabi ahaanba gubeen”.




From the comments