52 Qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyada ka socda wadanka itoobiya gaar ahaan gobolka Orommada intii lagu guda jiray xaflad diimeed la soo bandhigay waa sida ay sheegeyso dowladda itoobiya.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dibadbaxyada dhigaya ay dhinteen qaar ka mid oo ay is buurteen ciidamada Booliiska kadib marka ay ku fureen dibadbaxyaasha gaaska indhaha ka ilmisiiya xabadaha cinjirka iyo ulal budad ah si ay u kala eryaan dadka dibadbaxyada dhigaya.
Hailemariam Desalegn, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, ayaa sheegay in dibadbaxyaashu ay horay u qorsheen in ay dibadbaxyo ay dhigaan ra’iisulasaaraha ayaa iska fogeeyey in ciidamada ammaanka ay dibadbaxyaasha ay u adeegsadeen xabado isagoo sidoo kale carab baabay in ciidamada ay dadaal weyn ku bixiyeen iney sugaan goobta ay iskugu yimaaadeen dadweynaha dhiganaayey xaflad diimeedka.




From the comments