Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmamaamay in gobollada Soomaaliya aysan u diyaarsaneyn amni ahaan ergada ay tahay iney soo doorato mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, sidaa darteedna aaney ka suurtogaleyn iney doorasho ka dhacdo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in sugidda amnigu ka duwan tahay xilliyada doorashada wakhtiyada kale, waxaanuu sheegay iney wanaagsan tahay in doorashooyinka dadban ee dhamaadka sanadkan ay marti galiso magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney qaadi karto dadka baaxadaa leh ee wax dooranaya.
“14 kun oo qof maanta oo la joogo sida ay ku nabad galayaan ayaa ila adag, gobollada dhibaato aan xamar ka dhici karin ayaa ka dhici karta, qofkii doorashada waayaa dagaal inuu ka dhigo ayaa laga yaabaa, dhibaatooyin badan ayaa arrintaa goboladu soo waddaa, wixiina lama koobin oo Xamar oo kale waa meel dadbadan joogo oo lagu kala dhuuman karo, laakiin gobol laguma kala dhuuman karo”.




From the comments